Ganacsade soomaali ah oo xalay lagu dilay countiga Kilifi

Xassan cali cabdi oo ahaa ganacsade soomaaliyeed oo ku sugnaa Teso oo u dhow magaalada Kilifi ayaa xalay fiidnimadii waxaa halkaasi ku dilay dad hubeysan oo soo weeraray isaga oo dukankiisa joogo.

Ninkan ayaa  la dilay abaare 8-dii iyo qadar shan daqiiqo isaga oo rabo in uu dukaanka xiro si uu salaada cishaha u soo tukado.

Cabdi jelle Colow  oo ah imaamka  masaajidka xabsiga kilifi ayaan qadka talefoonka kula xiriiray oo dhacdadan iga waramay

Dhanjka kale Cabdi ayaa iisheegay in saaka soomaalida Kilifi ku dhaqan oo dilkan six un uga carooday ay buuq abureen  oo uu goobta yimid gavanaha Kilifi Amason Kingi.

Gavanaha ayaa  u tacsiyeey qoysaka ninka iyo dhamaan bulshada soomaaliyeed isaga oo bixiyay lacag dhan 100 kun.

Sido kale  Cabdi  jelle colow ayaa  iiga waramaya sida xaalada ay  hada thaay isaga oo xusay in booliska ilaa iyo hada aynan cidna gacanta ku soo dhigin.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *