Joseph Nkaissery oo digniin u jeediyay siyaasiyiinta

Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha iyo isku duwida  dowlada dhexe Joseph Nkaissery  ayaa sheegay in dowlada ay si weyn u sugi doonto amaanka  xaafada Mosiro ee maamul goboleedka  Kajiado   oo ay ka dhaceyso doorashada ku celiska ah .

Wasiirka ayaa xusay in wasaaradiisa ay doorashadan si dhow ula socoto oo cidii isku dayda  in ay jeedisa hadala naceyb abuuraya, sharciga lala tiigsanayo.

Joseph Nkaissery ayaa yiri doorashada waa ay qabsoomi doonta weeyna dhamaan doonta balse dadka waa in ay nabad ku nooladaan oo aan laisku dirin.

Kursigan ayaa banaanaday kadib markii bishii April ee sanadkan  uu geeriyooday Wakiilkii Mosiro  u matalayay  golaha hoose ee baarlamaanka Kajiado Peter Korinyo.

Hogaamiyaasha jubilee oo wasiirka wehelinayay ayaa shacabka ugu baaqay in ay u codeyaan Jonathan Koroine oo ka soo jeedo xisbiga jubilee halka  Peter Tireshe oo la tartamayana uu ka soo jeedo xisbiga ODM.

Ugu  dambeyntina,wakiilkan ayaa kamid ahaa labada  wakiil oo xisbiga ODM ka tirsan oo golaha ku jiro halka  23 wakiil oo kalena ay ka tirsanyihiin Jubilee.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *