Raila Odinga oo ka digay in Kenya la siiyo lacago kale oo qeyb ka ah Eurobond

Raila-Odinga

Hogaamiyaha isbeheysiga mucaradka ee Cord Raila Odinga  ayaa ka digay in  Kenya la siiyo lacago kale oo qeyb ka ah  Eurobond ka hor  inta aynan si buuxda faahfaahin uga bixinin sida loo adeegsaday  lacagihii horay loo siiyay.

Raila ayaa sheegay in Kenya sanadii  2014-kii la siiyay lacag dhan 250 bilyan oo shilin.

Raila ayaa sheegay in maamulka jubilee oo uu madaxweyne Uhuru Kenyatta  hogaaminayo ay dooneyso in lacag kale ay qaadato isaga oo arrintan ku tilmaamay mid wadanka ka dhigeysa in deymo badan lagu lahaado.

Dhanka kale , hogaamiyaha cord Raila Odinga ayaa sheegay in Jubilee aynan ku guuleysanin in kenyaanka ay u sharaxdo  qaabkii loo isticmaalay  lacagihii hore oo fadeexad mudo qaadatay ka dhalatay.

Raila ayaa carabka ku dhuftay in lacag dhan  999 milyan oo doolar una dhiganta   Sh9.9 bilyan oo shilin anan la gelinin sanduuqii loogu  tala galay.

Horaantii sanadkan ayey hayd markii  sanduuqa caalamiga  ee lacagaha ee IMF  laga soo xigtay  in dowlada Kenya ay cadeysay  sidii lacagahaasi loo  isticmaalay.

Kuxigeenka 1-ad ee agaasimaha guud ee  IMF David Lipton  ayaa sheegay in lacagihii Kenya la siiyay la geliyay  akoontiyada bangiga dhexe ee CBK.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *