Warbixin ku saabsan in Kenya ay ku hooseyso nafaqeynta shacabkeeda

Warbixin  hor leh oo dhawaan la soo saaray ayaa sheegeysa in dalkani Kenya uu ka mid yahay  50 wadan oo  guud ahaan dunida ay maacluusha gaartay heer aad u sareeya.

In kasta oo dalka  uu horumar ka gaaray in la yareeyo gaajada balse heerka ay hada mareyso  cuno yarida  ayaa  ah mid walaac laga muujiyo sida warbixinta lagu xusay.

Warbixintan ayaa lagu eegayay 118 wadan halka Kenya ay ka gashay liiskan nambarka 72-aad.

Darasaadka  warbixintan laga soo saaray ayan lagu eegin wadamada dhaqalahoodu horumaray maadama  cuno yarida ay aad ugu hooseyso.

In kasta oo Kenya ay maalgelin ku sameysay beeraha, waxay warbixintu shegeysa  in mid ka mid ah shantii canug oo kenyaan ahba  ay nafaqa daro heysato.

Warbixintan ayaa waxaa laga soo saaray darasaad laga sameeyay machadka  caalamiga ee cilimbaarista ku sameeyo cunada.

Bishii sagalaad ee sanadkan ayey ahayd markii  maamulka qaran ee maareya abaaraha ee NDMA   uu soo saaray  digniin ku aadan in abaara ay ka dhacayaan 11 conti u dalka ka tirsan yahay.

Countiyada uu maamulku sheegay in ay wajahayaan cuno iyo biyo yari ayaa waxaa kamid ahaa Narok, Kajiado, Taita-Taveta, Kilifi, Kwale, Tana River, Kitui, Makueni, Marsabit  iyo  Garissa.

Dhanka  kale waxa warbixinta  lagu xusay  in qofka kenyaanka ah  uu seddex jeer halis ugu jiro gaajo  marka loo barbardhigo  qofka u dhashay wadanka Tunisia oo liiskan ka gashay nambarka 6-aad.

Ugu dambeyntina, guud ahaan dunida,  heerka macluusha ayaa ah mid aad u sareysa halka dad dhan 795 milyan ay macluul heysato.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *