
Wararka ka imaanaya maamul goboleedka Mandhera ee gobolka waqooyi bari ayaa sheegaya in xalay hal qof uu ku dhintay isku dhacyo dhex maray ciidamada booliska iyo maleeshiyaad looga shakisanyahay Al-shabaab.
Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamadan ay ahayeen ilaalada guriga gavanaha Mandera, Ali Roba.
Ninka la dilay ayaa la sheegay in uu dugsi hoose dhexe oo halkaasi ku yaala waardiye ka ahaa.
Ninkan ayaa waxaa ku dhacday xabad aan lala beegsanin kadib markii booliska ay rasaas ku fureen koox dhamacsanaa in ay weerar qadaan.