Caymiska caafimadka ee NHIF  oo uu qeyb ka noqon doono  barnaamijka umusha la xiriira

Barnaamijka la xiriira umusha lacag laanta ah ayaa hada qeyb ka noqon doono caymiska qaran ee caafimadka  ee loo soo gaabiyo NHIF .

Qorshahan ayaa lagu bartilmaamedsan doonaa haweenka uurka leh ee kasoo jeedo qoysaska tabarta yar.

Barnaamijkan ayaa ah mid ku kacaya  ku dhawaad 4 bilyan oo shilin ayaa hooyooyinka uurka ah u suurta gelinaya in baaritaano lagula soconayo xaalada dooda caafimad  lagu sameeyo.

Dhanka kale haweenkan ayaa caruurtooda la talalayaa halka haweeney kasta uu ku baxayo kharash dhan 6000.

Markii dhalmada lacag laanta ah la bilaabay sanadii 2013-kii dowlada dhexe ayaa la rabay in ay lacago gaarsiisa maamul goboleedyada balse wararka ayaa sheegaya in lacagahan lala soo dib dhacay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *