Dowlada dalkan Kenya oo la sheegay in maalin kasta ay qaadato 843 milyan oo shilin oo deyn ah

Dokumentiyo wasaarada maaliyada ay u gudbisay baarlamaanka ayaa waxaa lagu xusay in Kenya intii u dhexeysay bishii koowaad ilaa iyo bishii Todobaad ee sanadkan ay qaadatay  lacag dhan 178.78 bilyan oo shilin , tan oo u dhiganta 843 milyan maalin kasta.

Lacagahan ayaa la sheegayaa in loo  adeegsaday  in lagu qarash geliyo  mashariicda horumarineed halka  qiyaastii 73 bilyan oo shilin la qeybiyay.

Xildhibaanka laga soo doortay  degaanka Suba John Mbadi  ayaa sheegay in   gudiga baarlamaanka u qaabilsan arrimaha miisaaniyada  la rabo in uu si qota dheer  baaritaano ugu sameeyo sida wasaarada maaliyada ay u maareyso lacagahan amaahda ah.

Ururka caalamiga ee horumarka  ee loo soo gaabiyo  ayaa qorsheeyay  in uu lacago ugu deeqo wadamada ugu saboolsan dunida.

Qorshahan ayaa waxaa qeyb ka ah 51.44 bilyan oo shilin oo lagu wadaa in Kenya ay hesho.

Dalkan Kenya ayaa nambarka 5-aad uga jiro liiska 10-ka wadan ee ugu horeeyay sanadii 2015-kii ee  lacagaha la siiyay.

Sanadii la soo dhaafay keli, Kenya waxay ururkan ka heshay lacag dhan 151.9 bilyan oo shilin.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *