Dowlada Itoobiya oo xadiday   socdaalka dibloomaasiyiinta  ajaanibta ah

Dalka Ethiopia ayaa waxa lagu soo rogay Xaalad degdeg ah  oo ay ku dhawaaqday xukuumada Adis-ababa waxaana qeyb ka ah in la xadido  socdaalka  dibloomaasiyiinta  ajnabiga ah ee ku sugan maagaalooyinka wadankaasi Ethiopia.

Talaabadan ayaa looga gol leeyahay  in looga jawaabo dibadbaxyada dowlada looga soo horjeedo ee isa soo tarayay mudooyinkii ugu dambeyay.

Xanibaadan lagu soo rogay socdaalka diblomaasiyiinta shisheeya  oo lagu daabacay wargeysyada maxaliga ah ayaa muujinaya in dibloomaasiyiinta aan  wadanka u dhalanin aysan masaafo ka badan 40 kilomitir oo ka baxsan caasimada  Addis Ababa u socon Karin.

Diblomaasi reer galbeed ah ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay  in xaalada deg dega ah oo ay dowlada Ethiopia  ku dhawaaqday ay ka filanayeen talaabadan noocaan oo kale.

Shalay ayay ahayd markii ay soo ifbaxeen warar sheegaya in xoghayaha guud ee qaramada midoobay  Ban Ki-moon uu si dhow ula socdo xaaladaha ka aloosan dalka Ethiopia.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *