Macalimiinta dalka oo dalabaadkooda ku adkeysanayaa wadahadalada ka hor

Macalimiinta ayaa ku raja weyn  in laga mira dhaliyo heshiis ku aadan in loo sameeyo mushaar kordhin  marka  madaxda ururradooda ay la kulmaan gudiga adeega macalimiinta ee TSC.

Labo  toddobaad ka hor ayeey ahayd markii  hogaamiyasha ururka macalimiinta ee KNUT ay la kulmeen TSC lagana codsaday in gudiga  ay siyaan mudo dheeri ah si loo eego suurtagalnimada dalabaadkooda.

Ururka macalimiinta ee KNUT ayaa dowlada ka dalbaday lacag dhan 153 bilyan oo shilin si loogu adeegsado howlaha dalacsiinta, macalimiin hor leh oo  la shaqaleysiiyo iyo in mushaaradka loo kordhiyo xubnaha ururka ka tirsan.

Maanta ayaa lagu wadaa in gudiga TSC uu go’aan ka gaaro  mushar kordhintan   halka maalinta berito  sarakiisha ururka kale ee macalimiinta ee KUPPET ay kulan la yeelanayaan  gudiga TSC.

Shalay ayeey ahayd markii  ururka macalimiinta ee KNUT ay digniin jeediyeen ka hor wadahadalada maanta la qaadanayo .

Xoghayaha KNUT Wilson Sossion ayaa sheegay in gudiga TSC looga  baahanyahay  in heshiiskan ay 14 maalmood gudahooda  ku dhaqan geliyaan hadii kalena macalimiinta ay talaabo qaadayaan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *