
Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada kisii ee maamul goboleedka kisii ayaa ku baaqay in sarakiisha qaabilsan caafimadka dadweynaha la bedelo maadama sida ay hadalka u dhigeen aysan ka soo bixin shaqadii loo igmaday.
Arrintan ayaa salka ku heysa walaac ay shacabka ka qabaan in laga iibiyo hilib qurmay oo biniaadamka cuni Karin.
Sido kale waxay shacabka ka dhawaajinayaan in xaalada hada taagan hadii aan wax laga qabanin, noolasha dadka ku dhaqan magaaladaasi ay halis galeyso.
Shacabkan oo uu hogaaminayo Vincent Gikone oo u ololeeya xuquuqul aadanaha ayaa sheegay in ay doonayaan in dowlada countiga ay ilaala badan geysa goobta hilibka lagu qalo.
Waxay ka cabanaayan hilibka qurmo oo dadka laga iibiyo iyo sidoo kale xoola baqtiga ah ee yaalo meelaha qaar.
Habeenimadii isniinta ay soo galeysay ayeey ahayd markii gacanta lagu dhigay nin bujur leh oo sac dhintay geeyay goobtiisa isagoo la aaminsanyahay in uu dadka ka iibin rabay.
Dhacdadan ayaa noqoneysa midi ninkan mar labaad lagu qabto mudo laba bilood gudahood ah.