Booliska Belgium oo qabtey nin afduub ka geystey goob Suuq ah.

Nin ku hubeysan mindi ayaa la qabtey kadib markii uu  afduub ka geystey goob suuq ah oo ku taala dalka Biljimka.

Dhibaatada ayaa ka dhacdey suuq  weyn oo ku yaala degmada Forest ee magaalada Brussels.

Sida laga soo xiganayo telefishanka Dowladda ee VRT dhacadadan ayaa ku bilaamatey isku day  dhac ah taas oo Booliska xaqiijiyey.

Sida uu qorey Joornaalka  maxali ah  ninka la qabtey ayaa laga soo daayey 15 qof oo uu Mindi ku afduubtey.

Ciidamada Booliska ee sida gaarka ah u tababaran ayaa si deg-deg ah ku gaarey goobta, kuwaas oo qabtey ninka mindida ku hubeysan.

Ninka la qabtey ayaan weli sheegin sababta ku kaliftey afduubka uu dadka u geystey.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *