Dowlada maamul goboleedka Meru oo shaqada ka tirtay 1,800 oo ahaa howl wadeenada caafimadka oo shaqa joojin  ku dhaqaaqay

Dowlada maamul goboleedka  Meru  ayaa sheegtay in ay shaqada ka  ceyrisay  dhamaan  howl wadeenadii caafiamdka ee shaqa joojinta sameynayay oo ay tiradoodu dhantahay 1,800  .

Madaxa waaxda caafiamdka  ee countiga Meru  James Gitonga  iyo ku xigeenka agaasimaha isgaarsiinta  ee waaxda caafiamdka  Gakii Murungi ayaa sheegay in la shaaciyay in xilalkan ay banaanyihiin sidaas awgeedna  codsi la xiriira la soo dirsan karo.

Ms Murungi ayaa xusay in  talaabada  howl wadeenada shaqada looga tiray ay timid kadib markii  aynan shaqada iska xaadirinin in kasta oo waxyaabihii ay tabanayeen la xaliyay.

Waxyaabaha ay tabanayeen  ayaa waxaa ka mid ahayd dhalacsiin halka kada ay dowlada maamul goboleedka shegeyso in ay dhalacsiisay 64 l sarkaal.

Sido kale  Ms Murungi ayaa intaas ku dartay in shaqaalaha caafiamdka ee  shaqa joojinta ku jiray maalintii jimcada lagu wargeliyay in ay shaqdooda dib ugu laabtaan.

Ugu dambeyntina  shalay ayey shaqa joojintan ay ku dhaqaqeen howlwadeenada  caafiamdka ee coutiga Meru gashay  todobaadkii sedexaad.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *