Nin soomaaliya u safray  oo maxkamada mandheera ay go’aamisay  in 10 sano la xiro

Simon Karuga Gitau  oo ka soo  jeedo degaanka Mwea ee countiga , Kirinyaga ayaa mudo 10 sano ah xabsi ku jiri doonoo  kadib markii shalay ay maxkamad ku taalo magaalada Mandheera  ee gobolka waqooyi bari Kenya   go’aankan soo saartay.

Ninkan oo 32 sano jir ah  oo maxkamada la horgeeyay ayaa lagu cadeeyay in uu si sharci dara ah ugu  safray  dalka soomaaliya.

Garsoore lagu magcaabo Peter Areri  oo kiiskan dhageysanayay ayaa sheegay in Simo uu  ku sugnaa  wadan ay koox argagixiso ka howl gasho  isaga oo anan marin   xafiiska waaxda socdaalka ee loogu talagalay.

Mr Gitau ayaa  la qabtay  13-kii bishii Sagalaad  ee sanadan  2016-ka  isaga opo soomaaliya ku sugan.

Dadka rayidka ah ayaa ku wargeliyay ciidamada booliska ee soomaaliya oo ugu dambeyn u soo wareejiyay laamaha amaanka ee Kenya.

Isaga  oo isdifaacayo. Ayuu ninkan sheegay in  degaanka uu ka soo jeedo ee  Mwea  uu ka so tagay 31-dii bishiin August ee sanadan oo uuna Mandheera tagay si uu uga shaqeeyo  howlaha guri dhiska.

Markii uu Mandheera yimid ayuu sheegay in uu seexday  loojin uu habeen kasta ka bixinayay 200 oo shilin balse uu raadsaday guri uu bil kasta lacag yar bixin karo sidaas awgeedna uu ugu gudbay soomaaliya.

Mr Areri ayaa ku gacan seyray in guri  lacag yar oo uu ninkan raadsanayay aynan keeni Karin in uu soomaaliya aado.

Ugu dambeyntina  ,  9-kii bishii Tobnaad ee sanadii la soo dhafay ee 2015-kii ayey  dowlada Kenya ku dhawaqday in soomaaliya  ay argagixiso ka howlgasho sidaas awgeedna , rayidkeeda anan loo ogoleyn in ay soomaaliya aadan iyaga oo anan ogolaansho rasmi ah  la siinin.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *