Abaarta ku dhufatay  deegaanka ijara ee countiga Garissa oo saameysay   xoolaha la dhaqdo 

Iyada oo abaara ku habsaday qaar ka mid ah degaanada kala duwan ee dalka si weyn loo dareemayo, ayaa waxay  xoolaha ku  nool xuluqo ee degaanka Ijara ee maamul goboleedka Garissa qarka u saaranyihiin in nooloshoodu ay galaafato abaartan.

Kumaanan  ka mid ah xoola dhaqatada degaankaasi ayaa  bilaabay in ay biyo iyo baad u raadiyaan xoolahooda.

Labadii  todobaad ee ugu dambeeyay  ayey xaalada noqotay mid daran halka qaar ka mid ah madaxda degaanka ijara ay walaac ka muujinayaan.

Cabdullahi Buthul oo ah wakiilka xaafada sangailu ayaa  sheegay in  xoola dhaqatada ay  babuurta xamuulka  kireynaya si loogu raro xoolahooda  oona loo geyo goob ay biyo ka heli karaan.

Xoola dhaqatada ayaa  isugu tagay  wakaabka  keli oo ay hada  biya ku jiraan   ee  looyaqaano  Wakab Harey  oo ku   yaalo  degaanka Ijara.

7   ka mid ah dugsiyada hoose dhexe  iyo cisbitalo ayaa biyo la’an awgeed qarka u saran in la xiro.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *