Gudiga loo dhaariyay  in ay soo xushaan sarakiisha IEBC oo wacad ku maray  in ay  dad u  qalma jagooyinkan   soo  magacaabayaan

Xubnaha gudiga shalay la dhaariyay ee loo igmaday in ay soo magacaabaan saraakiisha cusub ee gudiga madaxa banan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC ayaa wacad ku maray in ay sarakiil  u qalma jagooyinkan  soo magacaabayaan.

Gudigan oo uu shalay dhaariyay madaxa cusub ee cadaalada David Maraga ayaa ka koban 8 xubnood.

Munasabada lagu dhaaiyay ayaa waxaa ka qeyb galay afhayeenka aqlka baarlamaanka Justin Muturi.

Bernadette Musundi   oo u hadlay gudigan ayaa sheegay in  sarakiisha ay soo magacaabi doonaan ay  doorashada guud ee sanada 2017-ka u maareyn doonaan si daahfurnaan , cadaalada iyo aqoon ku saleeysan.

Sarakiisha cusub ee gudiga IEBC  ee la soo magacaabayo ayaa  xilka  qabanaya ka dib markii  5-tii bishan Oktobar   ay iscasileen gudoomiyihii IEBC Axmad Issack Xassan iyo 8 sarkaal oo kale.

Sharciga cusub ee doorashooyinka ayaa gudiga soo magacaabayo sarakiisha IEBC siinaya mudo 7 maalmood ah  oo ay ku shaaciyaan  jagooyinkan bannaan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *