Hogaamiyaha isbeheysiga Cord Raila Odinga oo maanta ingiriiska u ambabaxay

Raila-Odinga

Bayaan loogu talagay  saxaafada oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray idaacada star Fm ayaa lagu sheegay in hogaamiya isbeheysiga mucaradka  ee Cord Raila Odinga  uu  saaka  u ambabaxay ingiriiska gaar ahaana  UK.

Raila ayaa sida  nuqulkan uu muujinaya, shacabka kenyaanka ah u rajeeyay  in  xuska maalinta halyeeyada ay si wanagsan ugu dabaldagaan.

Raila ayaa inta uu ku suganyahay UK khudbad u jeedin doona  arday, aqoonyahaano  iyo  hogaamiyaal siyaasadeed  isaga oo dadkan kala duwan kula hadli doono  jaamacada weyn ee London .

Munasabada uu Raila khudbad ka jeedinaya ayaa ah mid  lagu furayo shirka siyaasadeed ee London ee sanadan 2016-ka.

Raila ayaa khudbadiisa diirada ku saari doonaa kaalinta mucaradka ay ku leeyihiin xaasada siyaasadeed .

Shirkan ayaa waxaa furi doono  ku xigeenka  madaxa jaamacada Prof. John Raftery sido kalena marti sharafka ah.

Hasa ahate, Raila ayaa xusay in uu kenyaanka lam qeybsanayo farxada  ay muujinayaan eek u aadan maalinta halyeyada dalka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *