Laba nin oo lagu tuhmayo burcadnimo oo xalay   lagu toogtay  magaaladatan Nairobi

Waxaa weli la hadal  hayaa dhacdo  xalay lagu toogtay labo nin oo lagu tuhmayo burcadnimo.

Ciidamada  waaxda dambi barista  ee  xaafada Buruburu ee magaaladatani Nairobi   ayaa labadan nin ku  toogtay  wadada Kangundo Road.

Hal xabo oo bastoolad ah, talefoonka gacanta  iyo  biingada lagu xiro gacmaha dambiilaha ayaa dhacdadan lagu soo helay.

Lbadan qof ayaaxiliga la dilayay saarnaa moota ay u adeegsadaan in ay dadka hantidooda uga dhacaan.

Dhanka kale  haweney  ayaala sheegaya in uu dhaawaca xoogan ka soo gaaray , dhac laga geystay  dukaan m-pesa oo ku yaaloa  xaafada kahawa west ee Nairobi.

Eedeysnayaashan ayaa ka mid ahaa burkad ka kooban 6 qof.

6-dan qof ee isugu jiro 3  rag iyo 3 haween ah  ayaa  in badan dhibaato ugeysanayay  babuurta sida rakaabka  iyaga oo   afduub ugeysto.

Madaxa baaritaanada   ee waaxda CID-da ee xaafada Buruburu Jeremiah Ikiaoh  ayaa xaqiijiyay in toogashadan ay dhacday  xalay saacadu marka ay ku beeegneyd  7: 30 fiidnimo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *