Militariga Turkiga  oo  200  oo ka mid ah dagalayahanada  YPG ku dilay  magaalada Aleppo

Ciidamada militariga ee dalka Turkiga ayaa sheegay in diyaradahooda  ay waqooyiga suuriya ku bartilmaamdesaden dagaalyaahanada  kooxda   la aaminsanyahay in ay kurdishka gacan saar la leedahay  ee YPG oo ayna goobta ku dileen   200 oo ka mid ah dagaalyahaanadan.

Warbaahinta maxaliga ee dalka Turkiga ayaa tabinaya  in 18 bartilmaamdesi laga fuliyay  gobolka Maarrat Umm Hawsh oo dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Aleppo.

Wakaalada wararka ee Turkiga ee Anadolu  oo milatariga soo xiganeysa ayaa  qoreysa in 160 ilaa iyo 200 oo ka mid ah  kooxda magaceedu loo soo gaabiyo YPG  xalay la dilay.

Hasa ahate, mid ka mid ah hogaamiyaasha kooxda YPG  oo ku sugan  Suuriya ayaa dhankiisu sheegay in la bartilmamdesaday balse in ka badan 10  qof anan laga dilin.

Ugu dambeyntina , dowlada Turkiga yaa dhankeedu sheegeysa  in kooxdan ay tahay garab ka tirsan dagaalyaahaanada  kurdishka ee wadanka laga mamnuucay ee sanadii ugu dambeeyay weeraro ka geysanayay wadankaasi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *