Ururka qareenada dalka ee LSK oo ku gacan seyray in waaxda garsoorka ay ku lug leedahay musuqmaasuqa

Ururka ay ku bahobeen qareenadaa dalka ayaa maanta ku gacan seyray eedeymaha loo soo jeediyay waaxda garsoorka dalka oo sheegaya in ay qeyb ka tahay maamulada uu musuqmaasuqa ka dhex jiro.
Bayaan ka soo baxay xafiiska ururka LSK ayaa eeda dusha looga tuuray agaasimaha waaxda dacwad oogista ee Keriako Tobiko iyo laanta dambi baarista ee CID-da in ay ka gabiyeen in la smaeeyo baaritaana wax ku ool ah.
Madaxa ururka qareenada dalka Isaac Okero ayaa xusay garsoorka si qaldan lagu eedeeyo , halka arrintan ay wax u dhimeyso kalsoonida ay shacabka ku qabaan maamulka fuliya arrimaha cadalada.
Dacwadaha lagu soo oogayo eedeysanyaasha kala duwan oo anan dhameystirneyn ayuu Mr. Okero sheegay in ay dib u dhigayaan dhageysiga kiisaska la xiriira.
Ugu dambeyntina, Mr.Okero ayaa ka dhawajiya in uu ku kalsoonyahay madaxa cusub ee cadaalada David Maraga oo shalay xilkiisa loo dhaariyay isaga oo sheegay in uu awood u leeyahay in uu soo celiyo kalsoonidii dadweynaha ay waaxada garsooka ku qabeen .

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *