Wasaarada  beeraha oo soo saareyso cunada ku jirta   xarumaha keydka si loo yareeyo jaagada ka dhalatay abaaraha

Wasaarada beeraha  ee dalkani Kenya ayaa  shaaca ka qaaday in ay soo saari doono dhamaan cunada kala duwan eek u jirto   xarumaha keydka si loo yareeyo jaagada ka dhalatay abaaraha ku dhuftay qaar ka mid ah deegaanada dalka.

Sido kale talaabadan ayaa ah mid  looga gol leeyahay in  abuurka  ay goosanayaan wqooyiga  gobolka Rift Valley  meel lagu  keydiyo loo helo.

Wasiirka wasaarada beeraha Willy Bett ayaa xusay in  cuno badan ay xarumahan ka buuxdo  in kasta oo   1.3 milyan oo kenyaan ah ay u baahanyihiin gargaarka deg deg ah.

Dhanka kale wasiirka ayaa intaas ku daray in ay filayaan in 34 milyan oo jawaan laga helo abuurka beeraha ee dhawaan la goosanayo.

Hasa ahaatee,  macluul ba’an oo laga soo tabinayo countiyada kala duwana ayaa imaneysa iyada oo dalka bil  kasta laga isticmaalo 3.2 milyan oo jawaanada galeyda ay ku jirto.

Ugu dambeyntina  gudiga qaran ee  maareya xarumaha lagu keydiyo  cunada kala duwan a aya laga soo xigtay in 731,000 oo jawaan ay xarumahan ku hareen oo anan weli laga soo faaruqinin.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *