Arday badan oo laga fasaxay School shalay lagu gubay Kisumu

Maamulka School sare oo ku yaalla Kisumu ayaa soo saaray go’aan ay guryohooda dhammaan ardayda dhigata fasallada 1-aad ilaa 3-aad ee dugsiga sare, kadib markii Schoolkaasi shalay uu dab qabsaday.

Ardayda ayaa loo dirtay guryohooda , maadaama ay gubteen 2 qeybood oo ka mid ahaa hoyga Schoolkaasi oo ay ardayda seexan jireen.

2-da qeybood ee uu dabka baabi’iyay ayaa waxaa markii hore seexan jiray arday ay tiradooda gaareyso ilaa 135 ruux oo ay ku jiraan kuwa sanadkaan ay u dhamaaneyso duruusta.

Gudoomiyaha degmada Nyando Mr Kennedy Lunalu ayaa sheegay in ilaa iyo hadda aan la garaneynin sababtii uu ka dhashay dabka waxyeellada baaxadda leh u geystay Schoolkaasi.

Dabka ayaa la tuhunsanyahay in uu ka yimid cillad xaga korontada ah, Hase ahaatee Mr Lunalu ayaa sheegay in hadda uu socdo baaritaan lagu ogaanayo waxa sababay in uu Schoolkaasi gubto.

Dhacdadaan ayaa kusoo aaday xili ardayda dhigata fasalka 4-aad ee Schoolkaasi ay isku diyaarinayaan in ay galaan imtixaanka kama dambeysta ah ee shahaadada KCSE-da.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *