Dowladda Philibines oo si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay xiriirka u jartay Mareykanka

Madaxweynaha waddanka Philibines Rodrigo Duterte ayaa si rasmi ah u shaaciyay in dowladdiisa ay gabi ahaanba xiriirkii diplomaasiyadeed u jartay dowladda Mareykanka ee uu hogaamiyo madaxweyne Barack Obama.

Duterte ayaa hadalkaan ku dhawaaqay isagoo booqasho ku jooga magaalada Beijing ee caasimadda u ah dalka Shiinaha, halkaasoo uu u tagay si uu u xoojiyo cilaaqaadka ka dhexeeya China iyo Philibine.

Isagoo ka hadlayay kulan ay yeesheen ganacsato kasoo kala jeedda Shiinaha iyo Philibine ayuu Rodrigo Duterte ka dhawaajiyay in hadda wixii ka bilowda uusan dalkiisa wax xiriir ah oo Milatary iyo dhaqaaleba la lahayn Mareykanka.

Dhawaanahaanba waxaa isasoo tarayay khilaafka u dhexeeya labada dal oo salka ku hayay qaabka ay dowladda Philibine u wajaheyso dagaalka ka dhanka ah dadka ka ganacsada Maandooriyeyaasha.

Go’aankaan ayuu hogaamiyaha Philibine soo saaray kadib markii uu shalay oo khamiis ahayd kulan la yeeshay dhigiisa waddanka Shiinaha Xi Jinping.

Madaxweyneyaasha labada waddan ee Shiinaha iyo  Philibine ayaa balan qaaday in ay sare u qaadi doonaan xiriirkooda saaxiibtinimo, waxaana ay dabooleen muranka horay ugu dhexeeyay ee ku saabsanaa xuduudaha badda Koonfurta Shiinaha.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *