Qalalaase hareeyay kulan ay lahaayeen siyaasiyiin ka tirsan Jubilee

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qalalaase hareeyay kulan ay maalin ka hor siyaasiyiin ka tirsan xisbiga talada haya ee Jubilee ku yeesheen magaalada Nakuru.

Kulankaasi la carqaladeeyay ayaa waxaa qaban qaabadiisa lahaa siyaasi kasoo jeeda magaalada Naivasha oo lagu magacaabo James Karimi.

Mr Karimi ayaa lagu eedeeyay in uu u hanqal taagayo kursiga wakiilka Jubilee ee maamul goboleedka Nakuru, arrintaasi oo ay kasoo hor jeesteen dhalinyaro kasoo jeedda Nakuru.

Goobtii uu kulanka ka qabsoomay ayaa laga sameeyay mudaharaad rabshad watay oo ugu dambeyn sababay in uu baaqdo shirka ay siyaasiyiinta lahaayeen.

Mid ka mid ah dhalinyarada u hanqal taageysa xilalka siyaasadeed ee qalalaasaha ka sameeyay halkaasi ayaa Mr Karimi ku dhalilay in boos ka raadinayo meel uusan xaq u lahayn.

Hase ahaatee siyaasiga la eedeeyay ayaa iska fogeeyay dhaliisha loo soo jeediyay, isagoo sheegay in mushkiladda siyaasadeed ee halkaasi ka taagan ay ka dmabeeyaan xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka iyo siyaasiyiin kaleba.

Xisbiga Jubilee ayaa waxaa dhawaan isku baheystay in ka badan 10 xisbi oo kale, waxaana madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto ay ku doonayaan in ay uga qeyb galaan doorashada guud ee la filayo in ay dalka ka dhacxdo sanadka soo socda ee 2017-ka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *