Dowlada Syria oo lagu eedeyay in ay isticmaashay sun halis ah

Qaramada Midoobey iyo hay’adaha caalami ah ayaa sheegaya in ciidanka dowladda Suuriya ay sun halis ah u adeegsaday dagaalka uu kula jiro kooxaha mucaaradka.

Warbixintan oo ay soo saaren golaha amaanka ee qaramada midoobay ayaa lagu qeexay in deeganada si ba’an ay u saameeyen suntan ay tahay qmenas ee katirsan gobolka Idlib.

Koox khabiirto ah oo ka socday qaramada midoobay islamrkaana isha ku hayay eedeymaha ka dhanka ka ah suntan loo adegsanyo dagaalka Syria ayaa sheegay in dowlada dalkaasi March 16, 2015 ay adegsatay hubkaasi.

Dhanka kale kooxdan ayaa fahfaahin ka bixin waysay laba nooc oo sun oo kale kuwaas oo sanadkii lasoo dhaafay laga dareemay islama Magaalooyinka Idlib iyo Kafr Zita oo katirsan gobolka Hama.

Sanadkii la soo dhaafay waxaa jirtay in baarayaal caalami ah ay sheegeen in la helay diyaarad riday fuustooyin ay ku jiraan sunta Chlorine-ka oo adeegsigeeda mabnuuc ka ah caalamka.

Isla sanadkii hore dowlada Suuriya waxaa lagu eedeeyey isticmaalka suntaasi loo yaqaano Chlorine-ka wallow eeymahaasi ay iska fogeysay.

Sidoo kale kooxda isku magacawday dowlada Islaamka ee sham iyo Ciraaq  ayaa Iyana lagu eedeeyey isticmaalka hubka kiimikada oo dhibaato ba’an u geysatay shacabka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *