Madaxa Cadaalada dalka oo sheegay in meesha uu musuqmaasuqa kajiro uu yahay maxkamadaha dalka

Madaxa cusub ee cadaalada dalka David Kenani Maraga ayaa sheegay in goobaha ay musuqmaasuqa sida aadka ah u saameyen ay tahay waaxda garsoorka dalka.

Waxaa uu balan qaaday in shaqada ugu hore uu qaban doono ay tahay sidii arimahaasi loola tacaali lahaa maadama ay ku xididesteen maxkamadaha iyo laaamaha kala duban ee dowlada.

Sida uu qaba Maraga, boqolbiiba 10 shaqaalaha ka shaqeeya maxkamadaha ayuu sheegay in ay kuhowlan yihiin arimaha musuqmaasuqa taaso sida uu sheegay hoos u dhogeysa sumcada garsoorka.

Madaxa cusub ee cadaalada oo markii ugu horeysay khudbad ka jeediyay Magalada naivasha tan iyo markii xilkaas loo doortay ayaa dhanka kale u balan qaaday kenyanka  in uu soo celin doono kalsoonida ay ku qabaan maxkamadaa guud ahaan dalka.

Garsoorkan ayaa intaa kudaray in garsoorayaasha eedeymaha loo jeediyay lasin doono waqti ay isku difaacan islamarkaana ay fahfaahin ka bixiyaan sababta eedeymaha musuqa loogu soo eedeeyay.

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa ugu baaqayay madaxa cusub ee cadaalada in uu faraha u baxsado sidii uu xididaha ugu siibi lahaa musuqmaasuqa la sheegay in uu ku xididestay maxkamadaha iyo lamaha kala duban.

Goor si horeysay ayeey eheyd markii madaxweynaha uu qalinka ku duugay David Maraga oo noqday madaxa cadaalada dalka kaaso hadda indhaha kenyanka ay u jihesteen dhankiisa maadama laga warsugayo sida uu u la tacaali doono musuqmaasuqa.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *