Amaanka oo si weyn loo adkeeyay ka hor imtixaanada qaran ee beri la bilaabayo

Dowlada ayaa sheegtay in iyada oo berito oo isniin ah la bilaabyo imtixaanada qaran ee loo soo gaabiyo KCSE-da ,sara loo qaaday talabooyinka lagu xaqiijinayo in qish uunan dhicin.
Madooyinka ay ardayda u fariisanayaan ayaa waxaa ka mid ah luqadaha ingiriiska, carabiga , jarmalka iyo luqada ishaarada.
Sii hayada xilka madaxa fulinta ee gudiga qaran ee imtixaanada loona soo gabiyo KNEC Mercy Karogo ayaa ka dhawajisay in gudiga uu si buuxda ugu diyar garoobay in imtixaanada ay qabsomaan.
Mercy ayaa tiri ardayda guul ayaan u rajeynayaa iyada oo warbaahinta u xaqiijisay in ardada ay imtixaanka u fariisanayaa xiligi la qorsheeyay.
Ms Karogo ayaa dhanka kale sheegtay in ciidamo la geynayo xarumaha ay ardada madooyinka kal duwan ku sameynayaan gaar ahana goobaha lagu keydiyay warqadaha ka hor intan anan xarumaha loo sii qaadin.
Dowlada ayaa loogu baaqay in xatooyadii imtixaanada ee dhacay sanadii la soo dhafay aynan mar kale soo noqonin halka wasiirka waxbarashada ee dalkani Kenya Dr.Fred Matiang’I uu xusay in ay xatooyada si weyn ula dagaalamayaan.
Sanadkan arday dhan 577,338 ayaa imtixaanka fasalka 4-ad ee dugsiga sare u fariisanayo halka xarumaha imtixaanadan lagu sameynayo ay gaarayaan 9,158 oo xarumood.
Dhanka kale arday ay tiradoodu dhantahay 952,473 ayaa xarumo dhan 26,308 imtixaanka fasalka 8-ad ee dugsiga hoose dhexe ee looyaqaano KCPE-da ugu fariisanayo guud ahaan dalka.
Xatooyada imtixaanada oo si weyn loola dagaalamyo aya ku soo begmeysa iyada oo sanadkii hore ee 2015-kii natiijada arday dhan 5,101 oo u fariistay KCSE-da iyo 2,000 oo KCPE –da sameeyay wax kama jiraan laga soo qaaday.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *