Duqeeymo dib uga  bilowday magaalada Aleppo ee wadanka suuriya.

Dagaalo culus oo uu dhexeyo dowlada suuriyaa iyo falaagada a ayaa dib uga bilowday magaalada Aleppo iyada oo duqeymo dhanka cirka ah la adeegsanayo.

Dagaaladan ayaa ku soo begmaya kadib markii ay dhamatay mudadii xabad joojinta ee maalmo socotay oo uu Ruushku ku dhawaqay.

Hay’ad u ololeeysa  xuquuqul  aadanaha oo fadigeedu yahay Ingiriiska ayaa laga sooxigtay in duqeymahan ay yihiin kuwii ugu horeyay oo  Ruushku uu ka fuliyo magaalada ugu dadka badan ee Aleppo .

Duqeymaha dhanka cirka ah ayaa la labeegsanayay degaano dhaca  koonfurta galbeedka ee magaaladatani.

Hogaamiyaha hay’adan oo magaceedu loo soo gaabiyo SOHR Rami Abdel Rahman  ayaa sheegay in  xubnaha  ururada kala  duwan ee rayidka ay isku dayeen in ay soo  daadgureeyaan dadka dhawacmay balse aynan guuleysanin.

Dhanka kale waxay hay’ada intaas ku dartay in seddex qof la dhawacay .

Afhayeenka  hay’ada laanqerta cas ee  Suuriya haweneyda lagu magacaabo  Ingy Sedky  ayaa ka dhawajisay in  qof rayid ah anan  la soo badbaadinin maadama xaalada amaanka ay tahay mid anan wanagsaneyn .

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *