Hogaamiyaha  ANC Musalia Mudavadi oo sheegay in aynan qorsheyneyn in Cord ay ku biraan

Hogaamiyaha isbeheysiga ANC Musalia Mudavadi ayaa cadeeyay in  uusan jirin wax qorsho ah oo  ku aadan in ay ku biraan  isbeheysiga mucaradka ee Cord.

Mudavadi ayaa malintii jimcada sheegay in isbeheysiga uu hogamiyo ee ANC uu  mid kale  ku biirayo , hadalkan oo uu  sheegay in si qaldan loo fasiray oona laga dhigay in uu Cord tageerayo.

Dhanka kale  Musalia Mudavadi ayaa xusay in  hadalkan oo si qaldan loo fahmay  uu  dood ka dhex abuuray tageeradiisa ku sugan galbeedka dalka oo sanada 2017-ka  ku tageerayo in uu noqdo madaxweyne dalka.

Hasa ahatee, hogaamiyaha ANC ayaa yiri in gacmaha lais qabsado kuma koobno siyaasad oo waxaa ina tageer karo  gudiyada kaniisadaha, ururada kala duwan , ganacsatada iyo macalimiinta.

Ugu dambeyntina, Musalia Mudavadi ayaa ka dhawajiyay in uu soo dhaweynayo cid kasta oo isku fikir  ay yihiin si xogaanka dalka ay kala waregaan maamulka jubilee.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *