Shacabka countiga Kirinyaga oo loogu baaqay in xili hore ay iska baraan cudurka sokorowga

Shacabka ku dhaqan maamul goboleedka Kirinyaga ayaa loogu baaqay in xili  hore ay tagaan  goobaha caafimadka si looga baaro hadii lagu helena looga daweeyo cudruka sokorta.

Baaqan ayaa yimid ka dib markii ay soo ifbaxday in dad badan oo ku dhaqan countigaasi  uu cudurkan nooloshoodu galaftay.

Xildhibaanka laga soo doortay deganka  koonfurta  Gatundu Moses Kuria ayaa ka dhawajiyay in cudurkan hadii xili hore la ogaado si fudud loo daweyn karo.

Xildhibaanka ayaa hadalkan  ka jeediyay munasabad aas loogu sameynayay haweney lagu magcaabo Lucy wambui oo cudurka  sokorowga u geeriyotay.

In  ka badan 3000 oo ka mid ah shacabka ku dhaqan tuulada Githure ayaa  ilaa iyo hada lagu sameyay baaritaana la xiriira cudurkan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *