Hogaamiyeyaasha xisbiga WIPER oo xoojiyay ololahooda ku aadan mowqifka Kalonzo Musyoka

Qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha siyaasadeed ee kasoo jeeda xisbiga mucaaradka ah ee WIPER ayaa taageero ballaaran u raadinaya mowqifka uu hogaamiyahooda Kalonzo Musyoka ka taaganyahay doorashada xilka madaxweynaha ee sanadka soo socda.

Mr Musyoka ayaa ku adkeysanaya in uu u soo istaago tartanka xilka madaxweynaha, isagoo damacsan in uu calanka u qaado isbahaysiga uu ka tirsanyahay ee CORD, in kastoo ay jiraan hogaamiyeyaal kale oo jagadaas raadinaya.

Siyaasiyiin ay ka mid tahay haweeneyda ka tirsan qalaka Senete-ka ee lagu magacaabo Judith Sijeny, iyo xildhibaan Robert Mbui, ayaa shalay ugu baaqay shacabka ku dhaqan maamul goboleedka Kisii in ay garab istaagaan Mr Musyoka.

Hogaamiyeyaashaan iyo siyaasiyiin kale oo ka tirsan xisbiga WIPER ayaa ka hadlayay isu soo bax uu ka qeyb galay Kalonzo Musyoka qudhiisa.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *