In ka badan 10 qof oo ku dhimatay shil bas oo ka dhacay Mareykanka

Ugu yaraan 13 ruux ayaa ku geeriyootay halka 31 kalena ay ku dhaawacmeen koonfurta gobolka California ee dalka Mareykanka kadib markii uu bas ay saarnaayeen dad dalxiiseyaal ah ku dhacay gaari kale oo nooca waaweyn ah.

Shilkaan ayaa galinkii dmabe ee shalay oo axad ahayd ka dhacay meel qiyaatii 160 kilo mitir dhinaca bari kaga beegan magaalada Los Angeles.

Saraakiisha laamaha amaanka ee gobolkaasi oo u waramay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in inta badan dadkii baskaasi ku safrayay ay saameysay waxyeellada isugu jirta dhimashada iyo dhaawaca.

Qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa laga deyrinayaa xaaladdooda caafimaad, in kastoo isbitaallo kala duwan lagu daweynayo.

Mid ka mid ah saraakiisha gobolkaasi ka howl gasha oo lagu magacaabo Jim Abele ayaa sheegay in muddo 35 sano ah uusan arkin shil noocaan oo kale ah oo uu qasaarahaasi lixaadka leh ka dhashay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *