Julius Yego oo isbitaal la dhigay kadib markii uu shil galay

Halyeeyga reer Kenya ee heysta billada ciyaarta duuryada tiirada dheer ee usha ee loo yaqaanno javelin-ta Julius Yego ayaa la dhigay isbitaal ku yaalla magaalada Eldoret, kadib markii uu xalay galay shil gaari.

Shilkaasi ayuu ciyaartoyga caanka ah galay xalay abaare 10 pm caweysnimo, xili uu kaxeysanayay gaarigiisa cusub ee uu noociisu yahay Toyota Prado, isagoo marayay wadada Kapsoya road.

Wararka ayaa sheegaya in waqtiga uu shilkaasi dhacayay uu Julius Yego ahaa kaligiis.

Yego oo uu soo gaaray dhaawac fudud ayaa lagu soo waramayaa in ay xaaladdiisa caafimaad wanaagsantahay, hase ahaatee uu wali ku suganyahay isbitaalka.

Saxafiyiinta ayaa laga hor istaagay in ay gudaha u galaan isbitaalkaasi, sidoo kale dhaqaatiirka xaaladiisa caafimaad la socotay ayaa ka gaabsaday in ay hadlaan.

Gaariga ciyaaryahanka heerka qaran oo si aad ah u bur buray ayaa hadda yaalla saldhiga ciidamada booliska ee magaalada Eldoret.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *