Kenya oo aan wali billaabin hannaanka ay uga baxeyso heshiiska maxkamadda ICC

Dowladda Kenya ayaan wali si rasmi ah u guda galin hannaanka ay ku damacsantahay in dalka uu uga baxo heshiiska maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka.

Af hayeenka madaxtooyada Manoah Esipisu ayaa shaaciyay in aysan jirin wax tallaabo ah oo ilaa iyo hadda loo qaaday hir galinta go’aanka ay dowladda goor hore ku dhawaaqday ee ahaa in ay gabi ahaanba xiriirka u jari doonto maxkamadda ICC-da ee fadhigeedu yahay magaalada Hague.

Golaha wasiirrada ee xukuumadda ay hogaamiyaan madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto ayaan wali go’aan kasoo saarin habka loo billaabayo hannaankaasi.

Aqalka baarlamaanka ee dalka ayaa 2 jeer soo saaray qaraarro ay ku dalabanayeen in Kenya ay ka noqoto heshiiska Rome Statute ee ay ku dhisantahay maxkamadda dambiyada dagaalka aduunka.

Labadaasi qaraar ee ay xildhibaannada uga soo horjeedeen maxkamadda ICC-da ayaa mid ka mid ah soo baxay intii uu dalka madaxweyne ka ahaa Muwai Kibaki, halka midna uu soo baxay intii uu xukunka hayay madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Kenya ayaa sheegtay in ay maxkamadda ICC-da isaga baxeyso kadib markii ay ku eedeysay in maxkamaddaasi ay si gaar ah u bartilmaameedsato hogaamiyeyaasha qaaradda Africa.

Dowladda Koonfur Africa ayaa dhawaan ku dhawaaqday in ay xiriirka u jartay maxkamaddaasi. Iyadoo ku biirtay dalka Burundi oo horay u shaaciyay mowqif noocaas ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *