Koox hubeysan oo nin Nigerian ah ku dhaawacday Eldoret

Nin u dhashay dalka Nigeria ayaa lagu dhaawacay fal dhac ah oo ay koox hubeysan xalay ka geysanayeen suuq ku yaalla xaafadda Hawai ee magaalada Eldoret.

Dableyda oo ka koobneyd 4 ruux ayaa ayaa ninkaasi ka qaadatay lacag dhan 45,000 oo shilinka dalka ah, sida ay warbaahinta u sheegeen dad goob joogeyaal ah.

Bolaji Alanipekun ayaa la dhigay isbitaalka guud ee Moi ee magaalada Eldoret, halkaasoo hadda xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayo, sida ay booliska sheegeen.

Saraakiisha laamaha amaanka ayaa sheegay in burcadda ay ilaa 6 xabadood oo rasaas ah rideen, astaamihii ay heleenna ay muujinayaan in qoriga ay isticmaaleen uu ahaa AK 47.

Wali ma jirto cid loo soo qabtay falkaasi, hase ahaatee booliska ayaa xaqiijiyay in ay wadaan baaritaanno iyo ugaarsi ay ku doon doonayaan burcadda la tuhunsanyahay ee falkaasi geysatay.

Tan iyo bilowgii sanadkaan waxaa sare u kacay dhaqdhaqaaqyada ay dableyda dhibaateysa shacabka sameeyaan ayaa kusoo badanayay qeybo kala duwan oo ka tirsan Kenya.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *