Macalimiinta oo dib u billaabaya wada xaajoodka ay kula jiraan dowladda

Masuuliyiinta ururrada macalimiinta ee dalka ayaa isbuucaan dib u billaabay wada xaajoodka ay kula jiraan dowladda eek u aadan sare u qaadista mushaaraadka ay qaataan bareyaasha.

Wada hadalkaan oo u dhexeeya macalimiinta iyo saraakiisha gudiiga dowladda u qaabilsan adeega macalimiinta ayaa la filayaa in uu galo xaalad aad muhiim u ah.

Bareyaasha ayaa doonaya in ay helaan mushaar kordhin 300% ah, iyadoo la filayo in gudiga TSC ay iyagana ku dhawaaqaan qorshohooda ku aadan sare u qaadista mushaaraadka macalimiinta.

Wasaaradda maaliyadda ee uu hogaamiyo Henry Rotich ayaa lagu soo waramayaa in ay masuuliyiinta TSC siisay go’aan ku saabsan dhaqaalaha loogu tala galay bareyaasha.

Dalabka mushaar kordhinta ee macalimiinta ayaa soo socday muddo sanado badan ah, iyadoo ururka macalimiinta qaranka ee KNUT ay doonayaan mushaar kordhin 300% ah, halka ururka macalimiinta dugsiyada sarena ay doonayaan mushaar kordhin 200% ah.

Shacabka Kenyanka ah ayaa ka dhur sugaya natiijada kasoo baxda wada hadalka u dhexeeya labada dhinac, xili ay ardayda dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa dugsiyada sare billaabayaan imtixaanaadka qaran.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *