Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ku baaqay in wada hadal laga sameeyo musuqmaasuqa iyo isku dhacyada beelaha

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa shalay dadka Kenyanka ah ka codsaday in la sameeyo wada xaajoodyo ku saabsan sidii wax looga qaban lahaa dhaqdhaqaaqyada Musuqmaasuqa iyo isku dhacyada qabaa’ilka ee soo noq noqda.

Hadalka kasoo baxay madaxweynaha ayaa waxaa warbaahinta u soo gudbiyay af hayeenka aqalka madaxtooyada Manoah Esipisu oo wakiil ka ahaa madaxweynaha.

Dowladda ayaa sheegtay in ay sare usii qaadi doonto dadaalka ay ugu jirto in la cirib tiro musuqmaasuqa oo ku baahsan guud ahaan qeybaha kala duwan ee dalka.

Khudbaddii uu madaxweyne Kenyatta ka jeediyay munaasabadda maalinta halyeeyada ee Mashujaa Day ayuu ku sheegay in ay xukuumaddiisa dardar galin doonto la dagaalanka wax is daba marinta.

Dhinaca kale madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa isagoo ku sugan maamul goboleedka Kisii waxa uu shacabka ku dhaqan halkaasi ugu baaqay in ay dhinac iska dhigaan qabyaaladda ayna  taageeraan siyaasadda madaxweyne Kenyatta iyo ku xigeenkiisa ruto.

Ruto ayaa booqasho uu ku xoojinayo ololaha siyaasadeed ee xisbiga Jubilee ku maraya qeybo ka badan oo ka mid ah maamul goboleedyada dalka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *