Madixii hore ee ururka garyaqaannada dalka oo sheegay in ay naftiisa khatar ku jirto

Madaxii hore ee daladda ay ku bahoobeen garyaqaannada Kenya ee marka magacooda lasoo gaabiyo loo yaqaanno LSK Eric Mutua ayaa sheegay in ay naftiisa khatar ku jirto.

Mr Mutua ayaa war bixin ku saabsan xaaladda halista ah ee uu sheegay in uu wajahayo ka qoray saldhiga ciidamada booliska ee magaalada Mwingi ee maamul goboleedka Kitui.

Garyaqaankan ayaa qaar ka mid ah ciidanka ka howl gala saldhiga booliska Mwingi ku eedeeyay in ay qorsheynayaan sidii ay uga taqalusi lahaayeen, maadaama uu u hanqal taagayo doorashada kursiga baarlamaanka ee bartamaha Mwingi.

Madixii hore ee LSK ayaa ku goodiyay in hadii muddo 15 maalmood gudohood ah wax looga qaban waayo arrinta uu ka cabanayo uu abaabuli doono mudaharaad weyn oo ka dhaca magaalada Mwingi.

Mr Mutua ayaa sheegay in qaar badan oo ka mid ah ganacsatada ku dhaqan magaalada Mwingi ay horay handadaad ugala kulmeen askar ka tirsan booliska.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *