Xaaladda caafimaad ee Julius Yego oo wanaagsan, kadib markii uu xalay galay shil gaari

Wararka ka imaanaya magaalada Eldoret ayaa sheegaya in ay wanaagsantahay xaaladda caafimaad ee halyeyga ciyaaraha fudud ee Kenya Julius Yego, kadib markii uu xalay galay shil aad halis u ahaa.

Yego oo kaligiis watay gaari uu dhawaan soo iibsaday ayaa xalay abaare 10-ki caweysnimo shilkaasi ku galay wadada Kapsoya road, isagoo uu dhaawac fudud soo gaaray.

Ciyaaryahankaan caanka ah ayaa heysta billada caalamka ee ciyaarta waranka gacanta lagu laliyo ee loo yaqaanno Javelinta, taasoo uu kaalinta 1-aad uga jiro guud ahaan dunida.

Dowladda iyo shacabka Kenya ayaa fariimo is daba jog ah oo ay caafimaad ugu rajeynayaan u diray ciyaartoygaasi guusha taariikhiga ahayd kasoo hoyiyay ciyaarihii Olympicada ee bishii August lagu qabtay dlaka Brazil.

Dadka isticmaala baraha xiriirka bulshada ayaa Julius Yego ku garab istaagay fariimo ay ku muujinayaan in uu yahay qof uu dalka si aad ah ugu baahanyahay.

Saxafiyiinta ayaa laga hor istaagay in ay gudaha u galaan isbitaalka uu Yego ku jiro, sidoo kale dhaqaatiirka xaaladiisa caafimaad la socotay ayaa ka gaabsaday in ay hadlaan.

Gaariga ciyaaryahanka heerka qaran oo si aad ah u bur buray ayaa hadda yaalla saldhiga ciidamada booliska ee magaalada Eldoret.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *