Beelaha Pokot iyo Marakwet oo lagu amray in ay hubka soo wareejiyaan

Laamaha amaanka ee dowladda ayaa muddo 7 cisho ah u qabtay beelaha Pokot iyo Marakwet, si ay gacanta dowladda ugu soo wareejiyaan hubka sharci darrada ah ee ay heystaan.

Isku duwaha dhinaca amaanka ee gobolka Rift Valley Wanyama Musiambo ayaa shalay sheegay in ilaa 5,000 oo hubka qoryaha fud fudud ah ay si sharci darro ah ugu jiraan gacanta shacabka labada qoomiyadood.

Hubkaasi ayuu sarkaalka ugu sareeya laamaha amniaga ee gobolkaasi sheegay in uu sabab u yahay iyo dhacyo iyo weeraro kusoo kordhay deegaanno kala duwan oo ka tirsan gobolkaasi.

Mr Musiambo ayaa hadda doonaya in dadka ay hubka si nabad ah kusoo wareejiyaan, kadibna ciddii hub u baahan ay dowladda u diiwaan galin doonto, isla markaana lagula xisaabtami doono.

Isku duwaha gobolka Rift Valle ayaa shacabka labada beelood ugu baaqay in ay u hogaansamaan amarka dowladda oo aysan sugin ilaa inta si qasab ah hubkaasi looga qaadayo.

Sidoo kale waxa uu hogaamiyeyaasha siyaasadeed iyo wax garadka deegaankaasi ka dalbaday in ay gacan taagero ka geystaan hannaanka hubka looga qaadayo dadka sida khaldan u isticmaala.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *