Booliska oo arday u xiray arrimo argagixiso awgood

Ciidamada booliska ee ka howl gala magaalada Eldama Ravine ayaa  xabsiga u taxaabay 2 arday oo dhigata jaamacadda iyo 1 nin oo dhawaan ka baxsaday xabsiga, kuwaasoo dhammaantood lagu tuhunsanyahay argagaixisanimo.

Howlgalkaan ayaa yimid kadib markii ay gacanta ku dhigeen bastoolad taallay guri uu daganaa in lagu tuhunsanyahay in uu xiriir la leeyahay kooxaha loogu yeero argagixisada.

Ku xigeenka taliayaha booliska ee magaalada Eldama Ravine Jonathan Wafula ayaa sheegay in sidoo kale ay gurigaasi oo ku yaalla wadada isku xirta Nakuru iyo Eldama Ravine kasoo qabteen qalab kale oo ay ka mid yihiin taleefanada gacanta.

Ninka ku noolaa gurigaasi ayaa la aaminsanyahay in uu qaabilsanaa howlaha dhalinyarada ku dhaqan Eldama Ravine loogu qoro kooxaha lagu tilmaamo xagjirka.

La tuhunsanaha oo aan wali la shaacinin magacaiisa iyo halka uu kasoo jeedo ayey u suurta gashay in uu baxsado xili ay booliska howlgal baaxad leh ka fulinayeen aqalkiisa.

Saraakiil ka tirsan waaxda dambi baarista ayaa loo soo diray dhinaca magaalada caasimadda ah ee Nairobi, si ay ugu kuur galaan macluumaad sheegaya in ninkaasi uu la shaqeynayay xubno kale oo ku sugan gudaha Nairobi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *