Dowladda dhexe oo ka hadashay weerarkii xalay lagu qaaday Mandera

Masuuliyiinta Dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada Kenya ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii ay xalay saqdii dhexe kadib magaalada Mandera ka fuliyeen dabley lagu tuhunsanyahay in ay ka tirsanyihiin dhaqdhaqaaqa al shabab ee Somalia ka dagaalama.

Hay’adda caalamiga ah ee nidaamka iyo xalinta isku dhacyada ee magaceeda loo soo gaabiyo ICPC ayaa war saxaafadeed ay soo saartay sidoo kale ku cambaareysay dhacdadaasi.

Isku duwaha hawlaha amaanka e Gobolka Waqooyi Bari ee ka kooban is maamullada Garissa , Wajeer iyo Mandera Ambadasador Maxamuud Saalax  ayaa faa faahin ka bixiyay dhacdadaasi, isagoo wacad ku maray in ay laamaha amaanka tallaabo qaadi doonaan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *