Kooxda ISIL oo la wareegtay magaalo hor leh oo ku taalla Ciraaq

Xoogagga kooxda isku magacowda dowladda Islaamka ayaa shalay si buuxda ula wareegtay gacan ku heynta magaalada Rutba eek u taalla gobolka Anbar ee galbeedka dalka Ciraaq.

Tallaabadaan ayey dagaalyahannada Daacish qaadeen xili uu magaalada Mosul ka socdo dagaal qaraar oo ay ciidamada dowladda Ciraaq ku doonayaan in ay magaaladaasi uga saaraan xoogagga ISIL.

Magaalada Rutba ayaa qiyaastii 700 oo kilo mitir dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada Mosul oo ay hadda si weyn u difaacanayaan dagaalamayaasha kooxda ISIS.

Daacish ayaa weerar ku qaaday magaaladaasi kadib markii ay lumiyeen dhul badan oo ka mid ah magaalada Mosul, iyagoo u muuqda in aysan gacanta kusii heysan Karin magaalada 2-aad ee ugu weyn dalka Ciraaq.

Dhawaan ayey ahayd markii ay kooxdaan weerar ku qaadeen magaalada Kirkuk, si ay u abuuraan coleus kale oo ay ku doonayaan in ay ku mashquuliyaan ciidamada dowladda Ciraaq ee diiradda saaraya dagaalka ka dhanka ah magaalada Mosul.

Magaalada Rutba ee ay hadda maamulkeeda la wareegeen Daacish ayaa waxaa ku sugan in ka badan 20,000 oo qof.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *