Madaxweynaha dalka oo baajiyay safar uu kutagi lahaa Angolo sababo la xariira weerarkii lagu qaaday Mandera

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa baajiyay safar uu kutagi lahaa wadanka Angalo waxayna kadambeysay kadib weerarkii xalay lagu qaaday Magaalada Mandera.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa la filayay in uu ambabaxo Magaalada Luanda si uu oga qeyb galo shir looga hadlayay amaanka taas badalkeedana waxuu diray Madaxweynekuxigenka dalka William Ruto si u matalo.

Warsaxaafadeed maanta oo talaada ah kasoo baxay afhayeenka madaxtooyada Manoah Esipisu  ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu safarkaasi u kansalay sidii uu u garab istaagi lahaa eheladii dadkooda ooga geeriyooday Mandera.

Mdaxweynaha ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkaasi waxuuna sheegay in sida u wanagsan oo loogu guuleysan karo dagaalkan uu yahay in shacabka ay midoobaan islamarkaana si dhow u la shaqeeyan laamaha amaanka.

Mas’uuliyinta beledxaawo ee degmada beledxaawo gobolka gedo ee dalka Soomaliya ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii xalay lagu qaaday Magaalada Mandera.

Gudoomiyaha degmadaasi Maxamuud Xayd Cusmaan oo wareysi gaar ah sinayay Idaacada Starfm ayaa marka hore tacsi u diray eheladii ay ka geeriyooden dadkii lagu dilay weerarkasi waxuuna markale labaad falkaasi uu kutilmaamay mid waxashnima ah oo looga gol lahaa in qaab diimeed lagu kala saaro shacabka reer Kenya islamarkaana la isku diro shacabka iyo dowlada sida uu hadalka u dhigay.

Mr Maxamuud oo ku hadlayay afka beledxaawo ayaa sheegay falkaasi kutilmaamay mid fuleynima oo lagu doonayay in lagu argagax galiyo shacabka dalka ku dhaqan.

12 ruux ayaa lagu dilay weerarka ay Dabley la tuhunsanyahay in ay ka tirsanyihiin al shabab habeennimadii xalay ka fuliyayeen magaalada Mandera, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha booliska.

Ragan hubeysanaa ayaa bartilmaameedsaday mid ka mid ah Hotellada la seexdo ee ku yaalla magaaladaasi, iyadoo dhowr qarax iyo rasaas culusba laga maqlayay gudaha magaalada Mandera.

10 ka mid ah dadka dhintay ayaa lagu soo waramay in ay booqasho ku tageen Mandera si ay uga qeyb galaan munaasabad ku saabsan bandhigyada buugaagta ee Schoollada.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *