Mucaaradka Venezuala oo diiday wadahadal ay la galaan Madaxweynaha dalka

Mucaaradka ugu weyn wadanka Venezuela ayaa kasoo horjestay oo diiday in ay wadahadal la galaan dowlada talada haysa, tani ayaa imaaneysa saacado un kadib markii mucaaradka ay sheegay in wadaxaajod la gali doonaan Madaxweyne Nicolas Maduro .

Tilaabadan mucaaradka ay ku dhawaaqen oo la yaab ku noqotay indhaha caalamka iyo dadka daneeya wadankaasi ayaa sheegay in arintaas ay tahay dhibaato kale.

Jesus Torrealba oo ah Madaxa xisbiga MUD ee mucaaradka ay goor sii horeysay xili uu kulan la qaatay madaxa masiixiyinta Pope Francis waxaa uu balan qaaday in uu wadahadal la gali doono Madaxweyne mudoro si loo soo gabagabeeyo khilaafka u dhaxeeyo mucaarada iyo dowlada talada haysa.

Kooxaha Mucaaradka ee dalka Venezuela ayaa doonaya in dalka ay ka dhaco afti lagu soo afjarayo xukunka Madaxweyne Maduro iyagoona ku eedeynaya Madaxweynaha dhibaatada dhaqaale ee ka jirta dalka.

Waxaa goor sii horeysay Madaxweyne mUdoro uu sheegay  in uu ka hortagay afgambi lagu sameyn lahaa dowladiisa taasoo ay isku dayeen Mucaaradka dalkiisa iney ku abuuraan rabshado iyo burbur hantiyeed.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *