Nin xabsiga laga sii daayay oo geeriyooday kadib markii six ad dhaaf ah uu u cunay cunno

Wararka ka imaanaya Maamul goboledka Meru ayaa sheegayaa in nin goor sii horeysay laga sii daayay xabsi islamarkaana uu kujiray dadkii ka faaidestay amarkii madaxweynaha dalka uu kufasaxay maxaabis 7000 dhaneed ayaa geeriyoday kadib markii cuna badan uu cunay.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa 20-kii bishan ayn kugujirno fasax u fidiyay maxaabis kujiray xabsiyada kala duban ee dalka kuwaas oo dambiyo yar yar galay.

Ninkan ayaa la sheegay in xiligii la sii daayay uu islamarkiiba galay hotel kuyaala Magalada Meru oo uu dalbaday cuno aan caadi eheyn kadibna waxaa la arkay isagoo meyd ah.

Waxaa ilaa iyo hadda la ogeyn sababta dhabta ah ee kadambeysay geerida ninkaas balse laamaha amaanka ayaa bilaabay baaritaano ku aadan dhacdadaasi.

Maalintii dalka lagu xusayay maalinta halyeeyashi u soo halgamay dalka ayuu madaxweynaha fursadaasi oga faaidestay in uu cafis u fidiyo 7000 oo maxaabis.

Goor sii horeysay ayeey eheyd markii sidan oo kale qof ka faaidestay furasadaasi markale loogu celiyay xabsiga kadib markii lagu eedeeyay in uu lacag ka dhacay kaniisad kutaalo Magaalada Nyahururu.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *