Gambia oo xiriirka u jareysa maxkamadda ICC

Dowladda Gambia ayaa ku dhawaaqday in ay xiriirka u jareyso maxkamadda dambiyada dagaalka aduunka ee ICC, taasoo ay xubin ka ahayd.

Masuuliyiinta dalkaasi ayaa maxkamadda uu fadhigeedu yahay magaalada Hague ee wadanka Netherlands ku eedeeyay in dacwadaha ay soo oogto ku saleyso midab, si gaar ahna ay u bartilmaameedsato dadka Africanka ah.

Go’aankaan ayaa noqonaya mid ka mid ah kii ay horaantii Isbuucaan shaacisay dowladda Koonfur Africa, oo iyadana sheegtay in ay gabi ahaanba ka bixi doonto heshiiska Rome Statute ee ay ku dhisantahay maxkamadda ICC-da.

Wadanka Burundi ayaa goor sii horeysay ku dhawaaqay in uu xiriirka u jaray maxkamaddaasi, halka dalalka NAMIBIA IYO Kenya ay iyagana muujiyeen in ay ku tala jiraan ka bixitaanka maxkamaddaasi.

Sanadkii 2002-di ayey ahayd markii la aasaasay maxkamaddaasi qaadda kiisaska la xiriira dambiyada dagaalka ee caalamiga ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *