Macalimiinta oo heshiis dhinaca mushaarka ah la saxiixday dowladda

Masuuliyiinta ururrada macalimiinta ee dalka ayaa heshiis cusub oo mushaar kordhin ah la saxiixday gudiga adeega macalimiinta u qaabilsan dowladda ee TSC.

Heshiiskaan ayaa dhigaya in macalimiinta wax ka dhigta Schoollada ay dowladda maamusho sare loogu qaadi doono mushaaraadka iyo gunnooyinka ay qaataan.

In ka badan 100,000 oo macalin ayaa la filayaa in lagu dalacsiiyo wajiga ugu horreeya ee barnaamijkaan ay labada dhinac isku af garteen.

Wakiillo ka kala socda macalimiinta iyo gudiga dowladda ee TSC ayaa shalay oo talaado ahayd kala saxiixday heshiiskaasi, kadib markii ay in muddo ah ku guda jireen wada xaajood ku saabsan arrintaan.

Go’aankaan ayaa gabo gabo u noqday shirkii Masuliyiinta macalimiinta iyo gudiga TSC uga socday hotel ku yaalla magaalada Naivasha ee ka tirsan maamul gobooleedka Nakuru.

Tallaabadaan ayaa ahayd is af garadkii ugu horreeyay ee ay dowladda iyo macalimiinta heshiis uga gaareen gor gortanka dhinaca kordhinta mushaaraadka ah oo in muddo ah soo jiitamayay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *