Taliska booliska oo soo dhaweeyay go’aankii uu madaxweynaha ku badalay  xukunnada maxaabiista

Saraakiisha hogaanka u ah ciidamada booliska ee dalka ayaa u riyaaqay go’aankii uu madaxweyne Uhuru Kenyatta isbadalka ugu sameeyo xukunno dil ah oo ay wajahayeen maxaabiis lagu helay dambiyo.

Madaxweynaha ayaa dhawaan wareegto uu soo saaray ku muujiyay amar uu ku bixiyay in 7,000 oo maxbuus oo ku xukunnaa dil ciqaabtooda loo badalo xabsi daa’in.

Ku xigeenka madaxa maamulka sare ee booliska Kenya Henry Kisingu ayaa sheegay in arrintaan ay tahay mid faa’iido weyn ugu jirto maxaabiista.

Dhammaan maxaabiista ay maxkamadaha ku yaalla Kenya ku rideen xukunnada dilka ah ayaa hadda ka badbaaday dilalkaasi, iyadoo taas badalkeedana inta noloshooda ka dhiman ku qaadan doona xabsiyada kala duwan ee dowladda.

Go’aankaan kasoo baxay madaxweyne Kenyatta ayaa yimid maalmo kadib markii uu madaxweynaha cafis u fidiyay maxaabiis fara badan, munaasabaddii maalinta halyeeyada ee Mashujaa Day awgeed.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *