Wasiirka arrimaha gudaha oo dalbaday in baaritaan lagu sameeyo dhaqaalaha ay isticmaasho dowlad goboleedka Mombasa

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Joseph Nkaissery ayaa dhaliilay hannaanka ay dowlad goboleedka Mombasa u adeegsato lacagaha ay ka hesho dowladda dhexe.

Nkaissery ayaa xisaabiyaha guud ee dalka Edward Ouko ka dalbaday in uu baaritaan ku sameeyo halka lagu isticmaalo dhaqaalaha maamul goboleedka Mombasa loogu qoondeeyo miisaaniyad sanadeedka.

Wasiirka oo ku sugan Mombasa ayaa sheegay aan ilaa iyo hadda loo jeedin wax horumar ah ama wax qabad ah oo lagu hir galiyay lacag dhan 32 billion oo shilin oo lagu wareejiyay masuuliyiinta ismaamulka Mombasa.

Qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha siyaasadda ee garabka mucaaradka ee kasoo jeeda Mombasa iyo qeybaha kale ee gobolka xeebta ayaa siyaabo kala duwan uga jawaabay arrintaan.

Madaxda Mombasa ayaa horay u beeniyay eedeymo noocaan ah oo ku aadanaa sida ay u maareeyaan dhaqaalaha lagu siiyo miinaasiyad sanadeedka ay qoondeyso wasaaradda maaliyadda ee uu hogaamiyo Henry Rotich.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *