Dalka Vietnam Oo lagu qabtay foolal Maroodi oo laga qaaday Kenya

Laanta kormeerka badeecooyinka ee waddanka Vietnam ayaa gacanta ku dhigtay ku dhawaad 1 tan oo ah foolal maroodi oo laga qaaday Kenya.

Saraakiisha dalka Vietnam ayaa maanta oo khamiis ah shaaciyay in badeecadaasi ka koobneyd faanta maroodi oo si qarsoodi ah loo safrinayay ay ku qabteen markab.

Waa markii 3-aad oo muddo 1 bil gudeheed ah dalkaasi lagu qabto foolal maroodi oo qiimo badan ku  kacaya, kuwaasoo si sharci darro ah loo dhoofinayay.

Vietnam ayaa ah marin muhiim u ah dadka kala gudbiya ganacsiyada qarsoodiga ah ee ay ku jiraan foolasha maroodiga iyo maandooriyeyaasha qaaliga ah.

Inta badan dadka badeecooyinkaasi wata ayaa ku wajahan suuqyo ku yaalla wadamada uu ka mid yahay Shiinaha, si ay badeecadaasi mamnuuca ah ugu iibiyaan qaab suuq madow ah.

Gudaha dalka Vietnam qudhiisa ayaa si aad ah looga iibiyaa faanta maroodi, in kastoo uu ganacsigaasi si rasmi ah mamnuuc uga yahay halkaasi.

Foolasha maroodiga ayaa marki si qarsoodi ah loo iibiyo la bur buriyaa waxaana laga sameeyaa daawooyin dabiici ah.

 

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *